4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
MADAXWEYNAHA: Qofkii Al-shabaab lagu tuhmo waa la baarayaa


 
Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ayaa sheegay in cid kasta oo looga shakiyo inay Al-shabaab xiriir la leedahay la qaban karo, lana marsiin karo baaritaannada, isagoo ku daray in qorshahana uu yahay mid lagu xaqiiniayo amniga.

Xasan ayaa soo hadal qaaday saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xabsiyada kasii daaya dadka looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin; isagoo carabka ku adkeeyay in cidna aan laga yeeli doonin sii deynta Al-shabaab.

“Iska  daa qof la hubo inuu yahay Al-shabaab waxaa gacanta lagu soo dhigi karaa qof lagu tuhmayo, waxaana lagu sameynayaa baaritaanno dhab ah oo lagu xaqiijinayo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in qofkii ay ku caddaan waydo in Al-shabaab uu ka tirsan yahay la sii-dayn doono isagoo sharaf leh, waxaana u caddaanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba inuusan ruuxaas lasoo xaqiijiyay oo uusan ka mid ahayn Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka iyo ciidamada dowladda ugu baaqay inay iska-kaashadaan howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab si ammaanka loo xaqiijiyo.

Hadalkan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay munaasabad loogu dabaal-dagayay sannadguuradii 44-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ku beegnayd shalay oo Sabti ahayd.

Baaritaannada uu sheegay madaxweynuhu in lagu sameynayo cid walba oo Al-shabaab looga shakiyo ayaa kusoo beegmaya xilli Jimcihii lasoo dhaafay ay Al-shabaab weerartay madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya