4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Xukuumadda oo soo Saartay Go'aanno la Xiriira Amniga Muqdisho

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa gudoomiyay shir aan caadi ahayn oo xalay lagu soo gaba-gabeeyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha dhanka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ka-hortagga falalka argagixisanimo ee kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo kulankaasi looga hadlay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliyeed; iyadoo xukuumaddu ay tacsi u dirtay ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarkaas, dhaawacantayna uu samir iyo iimaan naga siiyo.

Kulankan ayaa laga soo saaray saddex qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah:

1. Waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray inay baaritaan ku sameeyaan falkii shalay lagu weeraray madaxtooyada Somalia, guddigaa oo loo qabtay inay maalmood gudahood kusoo bandhigaan faahfaahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen, kaddibna ay u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed.

2. Goluhu wuxuu faray wasaaradaha Amniga Qaranka, gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos-yimaada inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarrada argagixisadu ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

3. Xukuumaddu waxay ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhammaan qaybaha bulshada, maamullada degmooyinka, gobollada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howl-gelintan ay billaabanaysaa barito oo taariikhdu ay ku began tahay 23-ka Feberaayo, 2014.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad weyn siin doonto amniga shacabka, isla mar ahaantaana ay go’aanno adag ka qaadan doonto sidii looga guulaysan lahaa nabad-diidka iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya