4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa oo ka shiray geerida Marxuum Maxamuud Indhacase

Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ayaa maant ka shiray geerida Marxuum Maxamuud Cabdulle Indhacase oo ku dhintay weerar ay shalay Shabaab ku soo qaadeen xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ujeedada shirka ayaa waxay ahayd in laga wada tashto sidii kaalmo loogu fidin lahaa qoyskii uu ka baxay marxuumka iyo sidii loo sii wadi lahaa hawlihii samafalka ahaa ee ka bilaabay magaaladan Ottawa.

Dadkii halkaa isugu yimid ayaa si tiiraanya leh uga warbixiyey Maxamuud Indhacase oo ahaa shaqsi si weyn uga dhex-muuqday jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa. Geerida Marxuum Maxamuud ayaa si weyn u taabatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee Ottawa maadaama uu kaalin mug leh ka qaatay dajinta bulshada gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay qodobadda hoos qoran:

1-     In Marxuum Maxamuud Cabdulle Indhacse loo sameeyo Sanduuq dhaqaale ee lagu taageero waxqabadkii dhaxal-galka ahaa ee uu marxuumku ka bilaabay magaaladan Ottawa.

2-     In la laysugu yimaado maalinta Jimcaha ee bishan Feb. 28, kulan ballaaran oo lagu soo bandhigidoono dibna loogu xasuusandoono waxqabadkii marxuum Maxamuud Cabdulle. Kulankaas ayaa wuxuu ka dhicidoonaa Dugsiga Sare ee Ridgemont (Ridgemont High School).

Maxamuud wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo naftiisa ku waayay isaga oo dalkiisa u adeegaya. Wuxuu ahaa agaasimaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012kii. Intaas ka hor wuxuu muddo dheer degganaa magaalada Ottawa. Wuxuu hawl badan ka qabtay arrimaha waxbarashada iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online