4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Ra'iisul Wasaaraha: “Maxamuud Wuxuu Naftiisa u Huray Qaranka”


Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay aaska xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha marxuum Maxamuud Xersi C/lle oo lagu aasay dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye (Iskool Bolisiya).

Aaska marxuumka oo shalay ku geeriyooday weerarkii ay kooxo Al-shabaab ku qaadeen dhismaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo howlwadeenno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaaana salaadda janaasada lagula tukaday isla goobtaas.

Ra’iisul wasaare C/weli oo hadal ka jeediyay goobta aasku ka dhacay ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, wuxuuna xusay in maxamuud Xersi uu ahaa shaqsi daacad ah, isla markaana naftiisa u huray Qaranka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Maxamuud wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo naftiisa u huray Qarankiisa Soomaaliyeed, wuxuuna ka yimid dalka dibddiisa isagoo heysta amni iyo dhaqaale, balse go’aankiisu wuxuu ahaa inuu ka qayb-qaato dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in weerarkan aanu dib u dhac ku keeni doonin go’aanka dowladda ee ah in laga sifeeyo dalka kooxda Al-shabaab, wuxuuna ku celiyay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa faray dhammaan hay’addaha amnigu inay muujiyaan feejignaan kana hortagaan dhagarta caddowga kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya