3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Ra'iisul Wasaaraha: “Maxamuud Wuxuu Naftiisa u Huray Qaranka”


Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay aaska xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha marxuum Maxamuud Xersi C/lle oo lagu aasay dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye (Iskool Bolisiya).

Aaska marxuumka oo shalay ku geeriyooday weerarkii ay kooxo Al-shabaab ku qaadeen dhismaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo howlwadeenno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaaana salaadda janaasada lagula tukaday isla goobtaas.

Ra’iisul wasaare C/weli oo hadal ka jeediyay goobta aasku ka dhacay ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, wuxuuna xusay in maxamuud Xersi uu ahaa shaqsi daacad ah, isla markaana naftiisa u huray Qaranka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Maxamuud wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo naftiisa u huray Qarankiisa Soomaaliyeed, wuxuuna ka yimid dalka dibddiisa isagoo heysta amni iyo dhaqaale, balse go’aankiisu wuxuu ahaa inuu ka qayb-qaato dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in weerarkan aanu dib u dhac ku keeni doonin go’aanka dowladda ee ah in laga sifeeyo dalka kooxda Al-shabaab, wuxuuna ku celiyay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa faray dhammaan hay’addaha amnigu inay muujiyaan feejignaan kana hortagaan dhagarta caddowga kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/22/2014 8:16 PM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ayaa maant ka shiray geerida Marxuum Maxamuud Cabdulle Indhacase oo ku dhintay weerar ay shalay Shabaab ku soo qaadeen xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya.

2/22/2014 12:30 PM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka qayb -galay maanta munaasabadda 44-aad ee kasoo wareeegatay maalintii la aas-aasay ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidamadda Asluubta ee magaalada Muqdisho.

2/22/2014 10:52 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay 44 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/22/2014 7:23 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Howlgallo ayaa saacadihii u dambeeyay waxay ciidamada dowladda Sooamaliya iyo kuwa nabad-sugidda dowladda ka sameeyeen xaafado ka tisran degmooyinka gobolka Banaadir.

2/22/2014 7:12 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee gobolkaBanaadir ku dilay saakay sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Jallaato.

2/22/2014 6:23 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Saddex ka tirsan askarta AMISOM ayaa ku dhintay shil ku dhacay degmada Jannaale ee gobolka shabeelaha Hoose, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen shilkaas.

2/22/2014 6:22 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Ku dhawaad ilaa afar qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso oo maanta ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo.

2/22/2014 5:46 AM EST
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Sida maanta oo sabti ah lagu daabacay mid kamid ah wargaysyada ugu afka dheer Hindiya, waxaa howl-gallada lugala dagaallamayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah hogaankooda lagu wareejin doonaa Midowga Yurub oo iminka kamid ah xubnaha ugu muhiimsan howlgalkaas.