4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Magaalada Beledweyne oo laga xusay Aasaaskii Ciidanka Asluubta


Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay 44 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada asluubta ee gobolka Hiiraan Col Cismaan Warsame Rooti oo ka hadllay munaasabada ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen ciidamada, isaga oo sheegay in ciidamada asluubta marka la eego dhafbar buuxa ka yihiin guud ahaan hay'addaha ammniga dowladda.

''Ciidamada asluubta Soomaaliyeed waxaa ciidammo u taagan ilaalinta maxaabiista iyo waliba ashax marintooda, waa ciidammo runtii la oran karo waxaa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan nabad-galyada dalka, waxaa ay la shaqeeyaan oo ay xiriir la leeyihiin wasaarrada cadaallada iyo garsoorka, waa ciidammo lagu aaminay maxaabiista ka hor cadaalad marintooda iyo kadib marka uu xukunka ku dhaco intaba,'' ayuu yiri taliyaha ciidamada asluubta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha maamulka gobolka ee munaasabada ka qeyb-gashay waxaa ka mid ahaa taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo ugu hanbalyeeyay ciidamada asluubta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan xuska  sanadguuradii 44-aad ka soo wareegtay markii la aas-aasay.

''Wada-shaqeyn buuxda ayaa naga dhexeysa ciidamada asluubta, waayo ciidanka booliiska waxaa uu mas'uul ka yahay ammniga gudaha, sidaa daraadeed mar kasta ciidamada asluubta waan kala maaranno oo waa isku xirrannahay,'' ayuu yiri taliyaha.

Ugu danbeyntii ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan Max'ed Ibraahim Sanbuur oo ka hadllay xuska aas-aaska ciidamada asluubta, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in maanta gobolka Hiiraan laga xuso mudo dheer kadib dhismihii ciidamada asluubta oo sida uu hadalka u dhigay dib u habeyn buuxda lagu sameeyay.

''Ciidamada asluubta xiligan gobolka si toos ah ayeey uga howlgalaan, gaar ahaan xabsiga magaalada, maamulka xoogga ayuu saaray sidii dib u habeyn buuxda loogu sameyn lahaa ciidamada waana lagu guuleystay oo maanta waxaad arkeysaan in loo dabaal-dagayo waqtigaa la aas-aasay,'' ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Gobolka Hiiraan waxaa hadda si rasmi ah uga howlgala qeybaha ciidamada sida militariga, booliiska, nabad-sugida iyo ciidamada asluubta oo maanta u dabaal-dagay sanad-guuradii ka soo wareegtay watigii dhibada loo taagay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya