Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Howlgallo ayaa
saacadihii u dambeeyay waxay ciidamada dowladda Sooamaliya iyo kuwa nabad-sugidda
dowladda ka sameeyeen xaafado ka tisran degmooyinka gobolka Banaadir.
Degmooyinka inta badan baaritaanka laga sameeyay ayaa
waxaa ka mid ah: Boondheere, Wardhiigleey, Yaaqshiid iyo xaafado ka tirsan
degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Howl-gallada ayaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah; inkastoo
saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya aysan sheegin halka lagu haayo dadkii
lagu qabqabtay howlgallada laga sameeyay Muqdisho.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay xarumaha dowladda Somalia ay
ku leedahay Muqdisho; waxaana inta badan baaritaanno lagu hayaa gaadiidka maraya
isgoysyada laga soo galo Muqdisho sida Ex-koontarool Balcad & Ex-kontarol
Afgooye.
Baaritaanadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo lagu
adkeynayo ammaanka guud ee Muqdisho, kaddib weerarkii shalay ay kooxo hubeysan
oo Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamada Howlgallada sameynayay ayaa waxay isugu
jireen kuwa dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo qaybo ka mid ah jidka
dheer ee warshadaha halkaasoo uu shalay ka dhacay qarax gaari.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya