4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Dabley Sarkaal ka tirsan Ciidammada Dowladda ku dilay Muqdisho
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) —  Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir  ee gobolkaBanaadir ku dilay saakay sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Jallaato.

Dableyda dilka u geystay sarkaalka ayaa la sheegay inay ka qaateen gaari yar oo uu watay, iyadoo aan la ogeyn goobta ay u baxsadeen kooxahan dableyda ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay inuu lahaa sarkaalka la dilay ilaalo gaar ah oo ammaankiisa xaqiija, laakiinse saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay aanu qaadan wax ilaalo ah taasoo keentay in xaafadda mac-macaanka ee degmada Wadajir.

Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada kaxda ayaa sheegaya in xalay uu halkaas ka dhacay qarax lala bartilmaamsaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gaariga ay wateen ciidamada qaraxa lala bartilmaameedsaday ayaa bas beelay, kaasoo inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarradan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli falalka ammaan-darro ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin weerar ay Al-shabaab ku qadday madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya