Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Saddex ka tirsan
askarta AMISOM ayaa ku dhintay shil ku dhacay degmada Jannaale ee gobolka
Shabeelaha Hoose, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen shilkaas.
Guddoomiyaha degmada Degmada Jannaale, Maxamed Idiris
Cabdi ayaa u sheegay saxaafadda in shilkan uu dhashay kaddib markii gaari ay
wateen ciidamada AMISOM uu ku dhacay biyo.
“Xalay fiidkii gaari ay wateen ciidamada AMISOM ayaa ku
dhacay meel ay biyo ku jireen, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari, afar
kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho,” ayuu
yiri guddoomiyaha degmada Jannaale.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada
dhintay iyagana loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si loogu gudbiyo dalalkii
ay u dhasheen, inkastoo uusan sheegin dlalaka ay ciidamadan u dhasheen.
Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin askarta
ciidamadooda ee dhimashada iyo dhaawucu kasoo gaaray shilka gaari ee ka dhacay
degmada Jannaale oo ka mid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan AMISOM iyo
dowladda.
Degmada Jannaale ayaa waxaa dhawaanahan ka socday
dhadhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada ku sugan gobolkaas, kuwaasoo ay ku
sheegeen in ay gobolkaas kaga saarayaan Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya