4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Askar ka tirsan kuwa AMISOM oo ku dhintay Shil ka dhacay Jannaale
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Saddex ka tirsan askarta AMISOM ayaa ku dhintay shil ku dhacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen shilkaas.

Guddoomiyaha degmada Degmada Jannaale, Maxamed Idiris Cabdi ayaa u sheegay saxaafadda in shilkan uu dhashay kaddib markii gaari ay wateen ciidamada AMISOM uu ku dhacay biyo.

“Xalay fiidkii gaari ay wateen ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay meel ay biyo ku jireen, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari, afar kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jannaale.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dhintay iyagana loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si loogu gudbiyo dalalkii ay u dhasheen, inkastoo uusan sheegin dlalaka ay ciidamadan u dhasheen.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin askarta ciidamadooda ee dhimashada iyo dhaawucu kasoo gaaray shilka gaari ee ka dhacay degmada Jannaale oo ka mid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan AMISOM iyo dowladda.

Degmada Jannaale ayaa waxaa dhawaanahan ka socday dhadhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada ku sugan gobolkaas, kuwaasoo ay ku sheegeen in ay gobolkaas kaga saarayaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya