4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Qarax Waxyeello badan geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Ku dhawaad ilaa afar qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso oo maanta ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan, daryankiisana laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay nawaaxiga masjidka weyn ee Xaaji Jaamac ee magaalada Kismaayo, waxa uuna sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah, iyadoo uu ka badbaaday gaadiidkii lala damacsanaa weerarka.

Afar qof oo rayid ah oo ka mid ahaa dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarka ayaa la dhigay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha isbitalka Kismaayo.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaana xaafaddaha ku dhow dhow halka uu weerarka ka dhacay ka soconaya howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya