4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2014
Hoggaanka la dagaalanka Burcadbadeedda oo lagu Wareejinayo EU

Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Sida maanta oo sabti ah lagu daabacay mid kamid ah wargaysyada ugu afka dheer Hindiya, waxaa howl-gallada lugala dagaallamayo  kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah  hogaankooda lagu wareejin doonaa Midowga Yurub oo iminka kamid ah xubnaha ugu muhiimsan howlgalkaas.

"Waqti xaadirkan waa la isku waafaqay in shaqadan lagu wareejiyo Midowga Yurub si ay u hogaamiyaan  waqtiyada soo socda"ayey tiri Donna Hpkins oo ah guddoomiyaha kooxda xiriirka caalamiga ah ee la-dagaalanka Burcad badeedda oo arintan ka hadlaysay.

Midowga Yurub ayaa shaqadan kala wareegi doona Maraykanka oo horey u hoggaamin jiray kooxda xiriirka caalamiga ah ee burcad badeedda oo la sameeyay 2009-kii  'iyadoo warbixinta lagu xusay in ay hoos u dhaceen qafaalashada maraakiibta gooshaya xeebaha Soomaaliya.

"Doorkii ay dowladda Maraykanka ku lahayd fududeynta howlahan looga hortagayo Burcad-badeedda wax badan iskama dhimi doonaa xitaa hadii ay xilka soo wareejiyaan "ayey hadalkeeda ku dartay iyadoo ka digtay khataraha badaha Soomaaliya.

Donna Hpkins oo sii ahaan doonta madaxa la dagaalanka burcad badeedda ayaa xustay in burcad badeed dhan 1,400 oo qof  ay ku xiran yihiin xabsiyada 21- wadan oo caalamka ku yaalla oo ay ku jirta Hindiya.

Ugu danabyntii  maraakiib dagaal oo ka kala socda 30 wadan oo caalamka ah ayaa iminka ku sugan qaybo kamid ah xeebaha Soomaaliya ,kuwaasi oo loogu tala -galay in ay burcad badeedda kula dagaalamaan biya iyo barigaba.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]