4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Dalka Qatar oo lagu Qabtay Shirka Horumarinta Gacansiga Carabta


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay horumarinta ganacsiga dalalka Carabta ayaa lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qatar intii u dhexeysay 18-kii illaa 20-kii bishan Feberaayo, iyadoo Somalia uu uga qaybgalay wasiir ku xigeen xukuumadda ka tirsan.

Shirkan oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Qatar ayaa la sheegay inuu yaay natiijo ka dhalatay guushii laga gaaray shirkii dhacay sannadkii 2008, iyadoo looga jawaabayay codsiyada ay soo gudbiyeen dalalkii shirkii hore ka qaybgalay.

Kulanka ayaa looga dalbaday dalalka ka qaybgalayay iyo hay’ado caalami ah inay keenaan xal lagu sameyn karo iskashi horumarineed oo dhexmara intii dal ee shirkan ka qaybgashay.

Meelaha diiradda la saaray waxaa ka mid ah: dhallinyarada, haweenka, tamarta, biyaha iyo ammaanka cuntada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ujeeddada ugu weyn ee ugu ee jaamacadda Carabta ay ka lahayd kulanka ayaa lagu sheegay inay tahay sidii xal loogu heli lahaa baahida dadka magan-galyo doonka ah iyo waayo-aragnimada gobolka sidii xal loogu heli lahaa.

Kulanka ayaa lagu sheegay mid fursad weyn u ah dalka Jaamacadda Carabta inay wadaagaan guulaha iyo macnaha guud ee wax soo saarka, suuq-geynta iyo kala iibsiga iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabada hortaagan. Waxaana si wadajir ah u qabanqaabiyay shirkan dalka Qatar iyo Qaramada Midoobay.

Fulinta qorshaha shirka kasoo baxay ayaa waxaa laga doonayaa hay'adaha lacagaha iyo kuwa Jaamacadda Carabta oo gacan ka helaya ESCWA, FAO, IFAD, ILO, UNDP, UNEP, UNIDO iyo UN-WOMEN.

Waxay isku keeni doonaan wakiiladdan heer sare ah oo ka socda ha’yado kala duwan si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac iyo horumarinta dalalka ka tirsan iyo weliba dalka ka baxsan Jaamacadda Carabta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya