4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii Madaxtooyada

Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii ay maanta Al-shabaab ku qaadday madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in weerarkan uusan waxba u dhimayn howlaha dowladda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, isagoo kuwii ku dhaawacmayna uu ALLE uga baryay inuu caafiyo, wuxuuna madaxweynuhu xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dib u dhiska Soomaaliya.

“Maanta wixii ka dhacay madaxtooyada waxay ahaayeen kuwii maalmahan dhacayay, waxaa naga dhintay dad muhiim noo ahaa, weerarkannna nagma leexin doono dagaalkii aan kula jirnay Al-shabaab, niyaddeenna waxba ka bedeli mayso cabsina nama gelinayso, balse dhiiranaan ayay na gelinaysaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wiilashii weerarka soo qaaday waxba aanay waxba ka badbaadin, ayna yihiin kuwo lasoo qalday, isagoo ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay carruurtooda ka reebtaan kooxda  Al-shabaab oo uu sheegay inay sii liicayso.

Madaxweynaha ayaa ka digay in Al-Shabaab ay helaan fursado ay bulshada ku dhibaateyn karaan, isagoo bulshada ka codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loosoo afjari lahaa.

“Ololaha militeri ee ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab waa lasii labo-jibaarayo si dalka oo dhan looga cirib-tiro caddowga ummadda Soomaaliyeed,” ayaa mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo ay kaga soo kabanayso dhibaatooyinkii soo maray muddada labaatanka sano ka badan, isla markaana aysan saameyn ku yeelan doonin weerarrada noocan oo kale howlgallada ay waddo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya