4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Qaramada Midoobay oo Cambaareeysay Weerarkii Madaxtooyada


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Mr. Kay ayaa tilmaamay in falkani uu ahaa mid aad looga xumaado isla markaana ah fal fool xun oo uu xusay in lagu dhibaateeynayo shacabka Soomaaliyeed, isagoona tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

"Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen xabad, isqarxin iyo dilal, waa waqtigii weji cusub ay geli lahayd taariikhda Soomaaliya, mana ogolaan doonno in dib loo laabto xilligan adag," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay, isagoo sidoo kale amaan u jeediyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay si xirfadeeysan uga hortageen weerarkii maanta.

Masuulkan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ay sii wadi doonaan taageeradooda ku aadan dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay hesho nabad iyo xasilooni.

Weerar culus oo ay masuuliyadiisu sheegatay xarakada  Al-shabaab oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sababay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwii ilaalada ka hayay xarunta madaxtooyada, iyadoo sidoo kale la sheegay in ay goobta ku naf waayeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya