4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Kulankii FAGAARAHA oo maanta lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu qabtay maanta kulankii sagaalaad ee fagaaraha, kaasoo looga hadlay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgaly wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga  dowladda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali, xubno ka socda ururka Qaranka Haweenka Soomaaliyeed, ururrada bulsahada rayidka, dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira iyo xubno kale oo fara badan.

Agaasimaha Fagaaaraha Form Sadik Warfa oo kulanka hadal ka jeediyay intii aan la furin ayaa sheegay in barnaamijka FAGAARAHA uu yahay mid loogu talo-galay inay dadka Soomaaliyeed kuwada hadlaan si ay horumar dhinac walba ah.

“Barnaamijkan FAGAARAHA waa mid saldhiggiisu saddex qodob ka kooban yahay kuwaasoo kala ah: Midnimo, Cadaalad iyo Horumar. Waxaana loogu talogalay in shacabka Soomaaliyeed ay fikradahooda isku weydaarsadaan,” ayuu yiri Sadik Warfa.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in kulankan oo ah kii sagaalaad uu yahay kii labaad oo Muqdisho lagu qabtay, iyado toddobaadii kulan ee ka horreysayna lagu qabtay dalka Mareykanka.

Ayaadaha Qur’aanka kariinka ah ayaa lagu furay kulanka, iyadoo markaas kaddibna ay kasoo qaybgalayaashii kulanku qaadeen heesta calanka, iyadoo dadka qaarkood laga dheehanayay shucuur.

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Somalia Khaalid Cumar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xoogga dalka, isagoo xusay in horumarka dalka uu iyaga ku xiran yahay, isagoo ku boorriyay inay u istaagaan sidii dalkooda uu horumar ku gaari lahaa.

“Dhallinyarada inkastoo aan lahayn tiro sugan oo ay yihiin haddana waxaa xaqiiqo ah inay yihiin xoogga dalka iyo hoggaamiyeyaasha berri, waxaana la idin ka doonayaa inaad u istaagtaan sidii aad dalkiina u horumarin lahaydeen,’ auu yiri Khaalid Cumar.

Xildhibaan Max'ed Cumar Dalxa oo isna hadlay ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday dhibka ka taagan dalka, balse looga baahan yahay inay xilligan ka faa’iideystaan ayna dadaaal u galaan sidii ay dalkan ugu hoggaamin lahaayeen jidka horumarka iyo ka bixitaanka dhibaatooyinkii uu soo maray.

Najmo Cabdi Axmed oo iyaduna hadal ka jeedisay kulanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay inay dhallinyaradu midoobaan ayna u istaagaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen, iyadoo ku dheeraatay  ka hadalka sida loogu baahan yahay inay dhallinyaradu ay midoobaan.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii kulanka kasoo qaybgashay ayaa waxay su’aalo weydiiyeen xubnihii kulanka hoggaaminayay, waxayna dhallinyaradu si aad ha uga hadleen in dowladdu ay gacan ka geysato sidii ay u xoojin lahayd.








Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya