4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo kulan la qaatay Museveni (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan hordhac ah la qaatay madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Musaveni iyagoo ka hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarka laga gaaray amniga Soomaaliya iyo xusul-duubka  ay ugu jirto xukuumadda Soomaaliya dib-u-dhiska dowladnimo.

“Waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Uganda sida ay ugu gurmadeen shacabka Soomaaliyeed iyo sugidda amniga. Uganda waxay hormuud u tahay howlgalka AMISOM iyo nabadda ka jirta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, waa dalka ay ka go’aan tahay inuu Somalia caawiyo xilli ay u baahnayd in laga hortago khatarta ay maleegayaan nabad-diidka ka hor-istaagay bulshada horumarka iyo nolosha ay u baahan yihiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musaveni ayaa isna yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaad soo booqato Uganda oo mar kasta ay ka go’an tahay in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, waana sii wadi doonnaa ka qaybgalka xasillooni raadinta Soomaaliya iyo inaan dawladda ka taageerno wax kasta oo aan awoodno.”

Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo madaxweynaha Uganda ayaa kulan saacado badan qaadanaya barrito ku yeelan doona magaalada Kampala; iyagoo ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka labada iyo ka qayb-qaadashada tayayna hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu ra’iisul wasaaruha Soomaaliya ayaa Kampala kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania, Kgalema Motlanthe, isagoo kala hadlay xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxaysa, ra’iisul wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay kaalinta ay Tanzania ka qaadato inay arrimaha Soomaaliya uga dhex ololayso kulammada ay isugu yimaadaan Midawga Afrika.

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan xoojinaynaa in Somalia ay noqoto goob xasilloon oo u istaagta horumarka dalka iyo kan gobolka, waxyaabo badan ayaa labada dowladood ka dhexeeya, waana iska kaashanaynaa horumarka labada dal ee walaalaha ah.”

“Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka ay Somalia ugu jirto sugidda amniga iyo caawinta dadka Soomaaliyeed oo u baahan adeegyada bulshada. Tanzania waa ay idin garab-istaagi doontaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Tanzania.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya