4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Burcadbadeedda Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jirta oo sii kordhaya


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Iyadoo muddooyinkii dambe ay lasoo daristay burcad -badeeda ka qowleysta xeebaha Soomaaliya hoose u dhac ku imaanayay falalkoodii burcadbadeednimo ayaa haddana waxaa muuqda in kooxaha burcadbadeedda ah ee ku jira xabsiyada ay soo kordhayaan.

Dhallinyaradaas waxaa ku haysta dhibaatooyin kala duwan oo isku jira cuno-xumo, caafimaad-darro, Jiif-xumo iyo daryeelkii kale ee ay u baahnaayeen oo aanay helin.

Koox burcad-badeed ah oo ku xiran xabsiyada Somaliland oo wareysiyo kala duwan siiyay warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in xabsiyada ay ku haystaan xaalado adag, sidoo kalena ay dhibaatooyin ugula soo kulmeen xabsiyo ku yaalla jasiiradda Seychelles.

“Waxaan ahayn koox kalluumeysto ah oo watay doon kuwa kalluumeysiga ah oo marayay meel ku dhow xeebaha ceel-macaan, waxaana xilligaas na weeraray markab kuwa dagaalka ah oo ka tirsan maraakiibta ka howlgala xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo la dagaalama burcad-badeedda , waxaana weerarkaas iga soo gaaray dhaawac culus, markiiba waan miyir beelay, waxaan soo baraarugey anigoo ku jira isbitaal ,waxaan u qaatay in meesha ay tahay meel ka mid ah Soomaaliya; hase yeeshee mar dambe ayaa la ii sheegay in meesha ay tahay jasiiradda Seychelles, xiligaas ma garanayn meel la geeyay saaxiibaddeey aan wada soconay,” ayuu yiri Cabdi Xasan.

Cabdi oo sii hadlay ayaa sheegay inay ugu naxdin badnayn markii uu arkay gacantiisa bidix oo laga jaray, isagoo sheegay inuu aad u walwalay cid uu ka garnayo isbitaalkana aysan jirin, wuxuuna shegay in markii uu muddo fog uu halkaas ku jiray loo qaaday xabsigii uu ku xirnaa.

Sidoo kale, Cilmi Xasan oo isna ka mid ahaa maxaabiistii ku xirneyd xabsiga Somaliland ayaa isna ka sheekeeyay wixii uu la kulmay, isagoo yiri: “Tiro toban jeer ka badan baa maxkamada nala soo taagay annagoo aan haysan wax noo dooda ama qareen noo noqda maalintii ugu dambeysay ayaa nin ka mid ah garsooorayaashii maxkamadda inta soo istaagay ayuu gacmahiisa laba jeer inta isku dhuftay laba faroodna kor u taagay ayuu yiri intaas baa la idiin ku xukumay, waa yaabnay waxaan garan weynay sannadaha nalagu xukumay maadaama aan afkooda aqoonin ma labaatan iyo laba maalmood baa, ma labaatan iyo laba bilood baa, ma labaatan iyo laba habeen baa, waa dhacdo aan qalbigeenna ka go’in markii xukunkaas.”

Sidoo kale Cilmi Xasan ayaa sheegay in markii xabsigooda loosoo wareejiyay Somalilanda y aad u farxeen, markii Hargeysa laga dajiyayna ay neef weyn kasoo go’day, isagoo xusay in lagu xiray xabsi, balse wuxuu sheegay inay noqotay xaaladdu kud-ka-guur oo qanjo u guur.

Dhallinyaradaas waxay sheegeen in xabsiyada maamulka Somaliland ay ku jiraan dhallinyaro fara badan oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo kuwaasoo laga keenay xabsiyo ku yaala dunida, waxayna codsadeen in laga saaro xabsiga lana geeyo xabsiyo kale oo ay ka arki karaan eheladooda iyo qaraabadooda, maadaama nolosha xabsiga Hargeysa ay aad u adag tahay sida cuntada, jiifka iyo caafimaadka.

Dar-xumada iyo dhibaatooyinka haysta kooxaha burcadbadeedda ku jira xabsiyada haysta ma yara. Dhacdo kale oo aad u xanuun badan ayaa waxaa laga soo calaamadeeyay dalka Yaman; waxaana ka mid in maxaabiis ku iira xabsi ku yaala dalkaas in mid ka mid ah uu ishiisa ku waayay kaddib markii Kooxo burcad ah oo xabsiga kula jiray ay dagaal kusoo qaadeen taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku waayo mid ka mid ah xubnihiisa ugu muhiimsan qaar kalena ay kasoo gaareen dhawacyo kala duwan.

Haddii aan eegno xabsiyada kale ee kooxaha burcadbadeedda ku xiran yihiin ee adduunka waxaa la sheegay inay gaarayaan 350 maxbuus oo qaarkood lagu xukumay xabsiyo sannooyin kala duwan ah, kuwaasoo la sheegay inay ku nool yihiin nolol tii ug adkayd, iyadoo taasi jirto ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa dhowr jeer soo gaaray dalab iyo codsiyo ka imaanaysay dhallinyaradaas oo dalbanayay in xabsiyadaas laga sii daayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya