4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo cusub oo laami ah


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Islaan Maxamed oo laami laga dhigay, taasoo la dhisayay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirrada arrimaha gudaha, hawlaha guud, maaliyada iyo amniga ayaa ku wehelinayay madaxweynaha furitaanka waddada, sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa taliyaasha booliiska, maamulka gobolka Nugaal, duqa Garoowe iyo madaxa mashruuca JPLG ee dhisay waddada Patrick Doung.

Madaxweynaha Puntland oo furitaanka kaddib hadal kooban jeedoyay ayaa ku sheegay barnaamijka JPLG mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ee ay ka waddo Qaramada Midoobay gudaha Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Maamulka gobolka Nugaal iyo degmada Garoowe ayuu madaxweynuhu ku amaanay inay kasoo baxeen shaqadii loo igmaday, isagoona raaciyay wada-shaqeyn dhexmarta maamulka iyo shacabka in lagu guuleysanayo.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas wuxuu intaasi kaddib dhagax dhigay waddo dhismaha dowladda hoose hor-marta oo isku xirta barxada Garoowe iyo Bangiga dhexe.

Xarunta dowladda hoose ayaa kulan kooban uu kula qaatay mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ammaanka, wuxuuna intaas kaddib tagay xafiiska diiwaan-gelinta aqoonsiga dhalashada Puntland oo uu madaxweynuhu iska diiwaan-gashay lana guddoonsiiyay kaarkiisa aqoonsiga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir,  Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya