4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Siilaanyo oo lacag ugu deeqay Dhallinyarada Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa maanta boqol kun oo dollar ugu deeqay sanduuqa horumarinta dhalinyaradda Somaliland oo uu magaaladda Hargeysa kaga dhowaaqay.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay mar uu maanta xadhiga ka jarayey dhisme laba dabaqa ah oo loo sameeyey wasaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxaanu  ku booriyey ganacsatada iyo hay’adaha deeqda bixiyaba inay sanduuqaasi la furay loogu deeqo lacago lagu horumariyo dhalinyaradda.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay xarun loo samaynayo dalladda dhalinyaradda oo ay xukuumaddu ugu deeqday, isla markaana qayb ka qaadan doonto dhismihiiisa iyo dhiirigalintiisa.

Xadhiga ka jaridda wasaaradda dhalinyarada iyo dhagax dhigga xarunta dhalinyaradda ayaa Madaxweynuhu maanta ku beegay maalinta dhalinyarada Somaliland oo bisha February 20-keedda loo asteeyey inay noqoto maalinta dhalinyaradda Somaliland, isla markaana la ubax dhigo Taallo loo dhisay ardaygii ugu horeeyey ee mudahaaraad ka dhan ah nidaamkii Siyaad Bare lagu dilay 1982/2/20, taas oo sanad kasta maalintan oo kale loo dabaaldego maalinta dhalinyaradda Somaliland.

HAKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Dhallinyarada iyo horumarkeedu waa waxyaabaha asaaska u ah mustaqbalka dal ku faano dal waliba waxa uu ku fanaa ama hore ugu maraa waa dhalinyaradiisa, waxaanu rajaynaynaa ama aanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkeenu iyo dhalinyaradiisu ay hano qaado dalka iyo dadkaba anfacdo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey munaasibad loo sameeyey dhismaha cusub ee wasaaradda dhalinayradda.

“Sidaas daraadeed ahmiyada wayn ayaanu siinaynaa barnaamijyada ay wado wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu si ay dhalinyarada reer somaliland ay ugaadhaan guul waxaana sanduuqa horumarinta dhalinyarada reer somaliland ugu deeqayaa 100 kun oo dollar, waxaanu jecel nahay ganacsatadan ugu baaqaynaa in  ay dhalinyarada reer somaliland garab galaan sanduuqaas horumarinta ugu deeqaan ganacsatadu”ayuu raaciyey hadalkiisa

Sidoo kale, waxa munaasibadaasi ka hadlay wasiirka dhalinyaradda ciyaaraha iyo gudoomiyaha Daladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani oo aad usoo dhoweeyey sanduuqan horumarinta ee madaxweynuhu ku dhawaaqay, isla markaana sheegay inay wax badan ka tari doonto shaqo abuurka iyo horumarinta dhalinyaradda, taas oo ay wada maamuli doonaan wasaaradda dhalinyarada iyo daladda dhalinayradda Somalinad ee SONYO.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray wadooyinka ay dawladda hooseee Hargeysa ka waddo badhtamaha magaaladda Hargeysa iyo gaadiid iyo qalab faro badan oo loo soo iibiyey wadadda Sanaag iyo Togdheer isku xidhi doonto oo dhowaan la bilaabi doono, isla markaana shalay soo gaadhay magaaladda Hargeysa qalab looga soo iibiyey Shiinaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland