4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Hoggaamiyaha Jubba oo magacaabay Wasiirro iyo Guddoomiyeyaal


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo dhameystiray golaha wasiirada maamulkiisa, isagoo sidoo kale magacaabay guddoomiyeyaasha gobolka Jubbada Hoose, iyo degmada Kismaayo.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba ayaa waxa warbaahinta u aqriyay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, waxa uuna goobta ka aqriyay magacyada wasiir kuxigeenada iyo wasiiro dowleyaasha maamulka Jubba ee la magacaabay.

Afhayeenka maamulka Jubba ayaa loo magacaabay C/naasir Seeraar Maax

1. Wasiirka ku-xigeenka maaliyadda – Cali Maxamed Xaashi
2. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga, C/rashiid Xasan Cabdinuur
3. Wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga – Cabdi Xuseen Cali
4. Wasiir ku-xigeenka beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, Daahir Cabdiqaadir Maxamed
5. Wasiir ku-xigeenka arrimaha bulshada – Axmed Cabdiqaadir Cali
6. Wasiir ku-xigeenka caafimaadka – Caydiid Saleebaan Xaashi
7. Wasiir ku-xigeenka garsoorka iyo arrimaha diinta – Isaaq Maxamed Xasan
8. Wasiir ku-xigeenka gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta – Geelle Muxumed Aadan
9. Wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo warshadaha – Xasan Isaaq Yacquub
10. Wasiir ku-xigeenka macdanta, biyaha iyo bay’ada – Maxamed Nuur Buulle

Intaas kaddib ayuu afhayeenka wuxuu sidoo kale aqriyay wareegto kale oo ay ku xusnaayeen xubnaha cusub ee maamulka gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo.

1. Guddoomiyaha gobolka Jubbada hoose Mudane Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni
2. Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf
3. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Cabdi Barre Ibraahim
4. Gudsoomiye kuxigeenka 2-aad C/laahi Max’ed Cabdi
5. Guddoomiye kuxigeenka 3-aad Rashiid Cabdi Ibraahim

Xubnahan lagu dhawaaqay ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii u danbeeyay magaalada Kismaayo siweyn looga hadal hayay ku dhawaaqidda xubnahan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya