4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Ardayda dugsiga sare ee Bedir oo billado waxbarasho helay (Sawirro)


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) —Iskuulka Turkiga ee loo yaqaan Dugsiga sare Bedir ayaa ku tallaabsaday tallaabooyin wax-ku-ool ah. Dugsigan oo la furay sanadkii 2011 waxaa barayaal ka ah macalimiin isugu jira Turkey, Masaari iyo Somaali ah.

Mas'uuliyiinta dugsigan ayaa sheegay in ardayda dhammaysata waxbarashada, kuna guuleysata in ay buundo wanaagsan helaan, ayna waxabarasho jaamacadeed ka heli doonaan dalka Turkiga. Mas'uuliyiinta ayaa xusay in ay mustaqbalka dhaw qorshaynayaan in ay jaamacad ka dhisayaan magaalada Muqdisho. Dugsigan ayaa wuxuu magaalada Muqdisho ku leeyahay seddex farac, halka mid kalena uu ku leeyahay Magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE

Sanadihii 2011 ilaa 2013 wuxuu dugsigani soo hooyay 22 billadood oo qaali ah, kuwaas oo ay ka soo kala heleen wadamada Azerbajan, Kazakhstan, Turkey, Kenya iyo Tanzania. Billadaha ay ardada Soomaaliyeed soo hoyeen ayaa isigu jira Dahab, Qalin iyo Maar.

Dugsigan ayaa leh hoolal shirarka loogu talagalay, dhar u gaar ah, qeyb jiif iyo cunno ah, mel ay ardayda iyo shaqaalaha ka cabi karaan qaxwada iyo shaaha, dukaan ay wax ka iibsan karaan, gym, garoon kubada cagta lagu ciyaaro, meel ay arydayda ku ciyaaraan iyo adeegyo kale.

Arintan ayaa qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkigu ugu talagashay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, runtiina waa ay ku ammaanan yihiin arrintaas gurmad ah ee ay xilligan adag u sameyneyso Soomaaliya.