Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) —Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale ayaa 27 sano kadib dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo dhawaanahan ay dalka ku soo laabanayeen ciyaartoydii hore ee isboortiga oo Dalka muddo dheer ka maqnaa.
Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale ayaa Muqdisho ku laabtay wuxuu sheegay in uu dalka u yimid howlo shaqo ujeedkiisa ugu wayna uu yahay sidii uu ku qabsoomi lahaa Tababar loo furayo garsoorayaasha XSKK, tababarkaas oo uu bixin doono khabiir ay u soo diri doonaan Xiriirka kubadda kolayga Afrika Bisha Marso ee sanadkan.
Ducaale ayaa sheegay in uu kulan la qaadan doono xubnaha xiriirka ee howsha ka wada dalka gudihiisa si uu wax oga ogaado howlaha iminka socda. "waxaa intaa ii xigi doona in aan howlo hormarin kubada kolayga ka qabto inta aan halkan joogo. Howlahayga waxaa ka mid noqon doona in aan Dowladda kala hadlo sidii ay garab nooga siin lahady dayarticka garoonka Wiish iyo in la abuuro Mini Basket kubada kolagya ah oo iskuullada laga hirgeliyo si kooxaha ay u helaan ciyaatoy mustaqbal leh " ayuu yiri Xogahaye Ducaale .
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE
Xoghayaha XSKK Saciid Faarax oo daawanayay kulan ka tirsan Horyaalka K/Kolayga wareeggiisa hore ayaa tilmaamay in ay halkan joogaan ciyaartoy wanaagsan oo u baahan in la caawiyo si ay horumar u sameeyaan ,waxa uuna intaas ku daray in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro garoonka Wiish. ”Halkan waa halkii aan ku soo barbaaray waxaa si gaar ah farxad iigu ah in uu maanta ku sugan yahay garoonka macalinkaygi wax isoo baray Qaasin Dhagnaas” ayuu sii raaciyay saciid Faarx oo qiiro dal jaceyl ay ka muuqatay.
Xogahayaha ayaa dhaka kale baaq u diray Bahwaynta kubada kolayga meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxuuna baaqiisa ku sheegay in qof kasta waxuu awoodo uu ku caawiyo XSKK si loo horumariyo kubadda kolayaga Soomaaliyeed.
Dhanka kale kulan ciyaareedkii shalay oo ay foodda isku dareen kooxah k/kolayga I.L.S iyo PLasma University ayaa ku soo idlaaday 67 -27 oo ay guushu ku raacday kooxda I.L.S oo sidaa kula wareegtay Hoggaanka Horyaalk, iyadoo hal kulan ka haray horyaalka kaasoo Maalinta Sabtida ah dhexmari doona Kooxaha Heegan iyo Dekedadaha .
Xuseen Maxamed Hadafow
email [email protected]
Muqdisho, Soomaaliya