4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Xilliga fududeynta Cunno-qabteynta Hubka Somalia oo la Kordhinayo

Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay kordhiso mudada cunno-qabteynta hubka laga qaaday Soomaaliya, inkastoo la sheegayo in hubka ay dowladdu heshay tan iyo markii cunno-qabateynta la qafiifiyay uu qaarkiis gacanta u galay Al-shabaab.

Sannad ka hor 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa ku heshiiyay in la qafiifiyo cunno-qabteynta hubka ee saran Soomaaliya, si dowladda Somalia loogu ogolaado inay hub fudud kasoo iiibsato dunida, si u xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Ma’suul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in muddo aan badnayn lagu dari doono fududeynta cunno-qabteynta hubka ee Somalia saaran, iyadoo bisha Maarso ee soo socota ay ku eg-tahay muddadii halka sano ahayd ee la qafiifiyay cunno-qabteynta hubka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda la socodka cunno-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ay warbixin ay soo saareen ku sheegeen in hubka ay ka soo iibsatay dowladda Soomaaliya dalalka Carabta qaarkood uu gacanta u galay xoogagga Al-shabaab, inkastoo dowladdu ay warkaas beenisay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sannadkii hore weydiisatay QM in la dabciyo cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya saaran si ay u xoojiso ciidamadeeda dagaalka kula jira Al-shabaab, basle golaha ammaanka ayaa ka walaacsan warbixinta sheegaysa in hubka dowladda uu gacmo qaldan ku dhacay.

Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa dowaldda Somalia ugu baaqay in muddada yar ee lagu daray xilliga la qafiifinayo cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya saaran ay tahay tijaabo iyo digniin kama dambeys ah.

Cunno-qabteynta hubka ayaa la saaray Soomaaliya sannadkii 1992-kii xilli ay dalka ka socdeen dagaallo sokeeye oo ay horkacayeen hoggaamiyeyaal kooxeedyo ku hardamaya talada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya