4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Huriwaa ee G/Banaadir

Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Somali iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana waxaa la sheegay in shan qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo ay ku dhinteen dagaalka, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid Al-shabaab ay ku qaadday saldhigyo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladdu ay ku leeyihiin degmada.

“Al-shabaab ayaa weerartay saddex saldhig oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada, kuwaasoo isku dhow-dhow, dagaalkuna wuxuu ahaa mid arbushaad ah,” ayuu yiri Jacfaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Huriwaa ayaa intaa ku daray in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen weerarrada ay ku soo qaadeen Al-shabaab, xaaladduna saakay tahay mid deggen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay uu guddoomiyaha degmada Huriwaa sheegay in degmadu ay qarka u saran tahay inay gacanta dowladda ka baxdo.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ciidammo fara badan kusoo daabulayso degmada, ayna khatar u tahay degmada  inay gacanta ku dhigaan haddii aan laga hortegin.

Hubka culus ee dagaalka loo adeegsanayay ayaa xalay laga maqlayaya qaybo badan oo Muqdisho ku yaalla, iyadoo hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayeen ay ahaayeen kuwo culus iyo kuwo fudud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya