4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Baarlamaannada Soomaaliya iyo Suudaan oo Heshiis kala saxiixday


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Guddoomiyeyaasha baarlamaannada  Soomaaliya iyo Suudaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Al-faatix Cizadiin Mansuur ayaa magaalada Tehran ee dalka Suudaan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhammaadka shirweynaha sagaalaad ee baarlamaannada dalalka iskaashiga Islaamka oo lagu soo gunaanaday magaalada Tehran; waxaana labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn ku dhisan u kala saxiixay guddoomiyeyaasha labada baarlamaan.

Prof. Jawaari oo ka hadlay heshiiska ayaa tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska iskaashi iyo wadashaqeyn ee ay hadda la saxiixdeen walaalahooda Suudaan; waxaana ballan-qaaday in dhanka baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskan ka hirgeli doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Suudaan, Al-faatix Cizadiin Mansoor oo isna dhankiisa heshiiskaas ka hadlay ayaa ugu horreyn tilmaamay in Sudan ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin inay iskaashi wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed; wuxuuna isna dhankiisa ballan-qaaday inay ka go’an tahay hirgelintiisa heshiiskan.

Heshiiskan iskaashiga ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Suudaan ayaa wuxuu dhigayaa in labada baarlamaan ay sameeyaan qibrad is-weeydaarsi toos ah iyo inay Suudaan bixiso tababarro dhanka shaqaalaha ah iyo farsamooyin qibrad is-dhaafsi ah oo labada baarlamaan dhexmari doona.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah guulaha uu ku tallaabsanayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo heshiiskan uu sidoo kale ka mid noqonayo heshiisyada uu golaha shacabka Somalia la saxiixday baarlamaannada dhiggiisa ah ee heer gobol iyo heer caalamiba ah.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya