4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
CALI MAXAMED WARAN-CADDE: ”Dowladda Soomaaliya wax ka socda ma soo geli karaan Somaliland, kuwa aan heynana..."

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali M.Waran-Cadde
Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) —Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in xubno ka socda Dowladda Soomaaliya aysan ka soo degi karin garoomada Somaliland, wuxuuse xusay  in haddii Soomaaliya ay aqoonsato Somaliland ay taasi dhici karto.

Wasiirka oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyay in seddex sarkaal oo u shaqeynayay dowladda Soomaaliya oo sida uu yiri sharci darro ku soo galay Somaliland ay ku jiraan gacanta ciidammada booliska Soomaaliya, ayna ku xiran yihiin Xabsi ku yaalla garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Saraakiisha ay gacanta ku hayaan Ciidammada Booliska Somaliland ayaa waxay magacyadooda kala yihiin Jaamac Maxamed Jaamac oo ka tirsan xafiiska hab-maamuuska ee Madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo Cabdi Casiis Aadan oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in saraakiisha la qabtay deg deg looga masaafurin doono Somaliland, lana saari doono diyaaradda ugu horreysa. ”Soomaaliya iyo Somaliland waa ay kala go'een mana suurtageli karto in cid dowladda Soomaaliya ka socota ay ka soo degto garoomada Somaliland”ayuu yiri Wasiir Waran-cadde oo sheegay in arrintaas aysan saameyn ku lahayn dadka shacabka ah.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan saraakiisha looga xiray Somaliland. Dhanka kalena, saraakiishan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee lagu xiray Somaliland ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee lagu xiro Somaliland tan iyo markii ay billowdeen wada hadallada u socda Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]