4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Qarax Khasaare Nafeed Geystay oo Maanta ka Dhacay Balad-xaawo

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa gellinkii dambe ee maanta ka dhacay qarax miino oo saddex qof ay ku dhinteen, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kalena uu sababay gubashada tobaneeyo bakhaar oo ku yaalla suuqa degmadaas.

Guddoomiyaha degmad Balad-xaawo, Maxamuud Axmed Nuur (Beexaani) oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in qaraxan oo ahaa miinada dhulka aaso uu markiiba ka dhashay dab khasaare maaliyadeed geystay.

“Qaraxa wuxuu ka dhacay suuqa degmada Balad-xaawo, waxaa ku dhintay saddex qof oo dhallinyaro ah oo uu ku jiray wiil dhalinyaro ahaa oo dugsiga sare dhameeyay, waxaana ku gubtay qiyaastii boqol goobood oo ganacsi,” ayuu Beexaani ku sheegay wareysiga.

Sidoo kale, guddoomyuhu wuxuu qaraxa ku eedeeyay Al-shabaab, isagoo xusay in dabka uu gubay bacadlayaal iyo bakhaaro ay ku jiraan shidaal iyo hanti kale oo fara badan.

“Hantida qaarkeed waa gubatay, qaarkoodna waa la badbaadiyay, waxaana albaabtii la badbaadiyay aan amray in sidii loo kala lahaa loo bixiyo, waana musiibo dhacday,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyaha Balad-xaawo ayaa intaas ku daray in baaritaanno ay socdaan ayna raadinayaan kuwii ka dambeeyay, isagoo xusay inay dhici karto inay keeneen miinada dad goobta ku sugan oo rag ama dumar ah.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in ammaanka degmada Balad-xaawo uu kasoo darayo ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen, inkastoo uu sheegay inay ka geysto Al-shabaab falal ammaan-darro, maadaama ay ku taallo xuduudka ay wadaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Qaraxan khasaaraha nafeed iyo midka maaliyeed geystay ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee sannadkan ka dhaca degmadaas, iyadoo degmadu ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Gedo ee ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya