4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Kooxo Hubeysan oo Maanta toogasho ku dilay guddoomiye Waaxeed

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay Muqdisho guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Xuseen Cismaan, waxaana la dilay xilli uu kasoo baxayay gurigiisa kuna socday goobtiisa shaqo.

“Marxuuma wuxuu ahaa guddoomiye waaxeedka labaad ee degmada, kooxo hubeysan ayaa toogtay isagoo gurigiisa kasoo baxaya kuna socda shaqadiisa, kooxihii dilayna way baxsadeen,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynley.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dilka kaddib la sameeyay howl-gallo lagu qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay qaarkood inay ku lug lahaayeen dilka guddoomiye waaxeedka.

“Ciidamada dowladda ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray, dadka dilka geystay waxay ku darsan yihiin dadka oo kama soocna; baaritaanno ayaa la sameeyay dad ayaana lasoo qabqabtay kuwaasoo la tuhunsan yahay,” ayuu yiri Macallin Cabdulle.

Degmada Dharkeynley oo ku taalla dhinaca Koonfur-galbeed ee Muqdisho ayuu ammaankeedu ahaa mid wanaagsan xilliyadii ugu dambeeyay, iyadoo dilkan uu noqnayo kii ugu horreeyay oo muddo bilooyhin ah degmadaas ka dhaca.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay in dadkii dilka geystay laga yaabo inay qaarkood baxsadeen, mana jirto cid uu ku eedeeyay dilka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya