4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Ciidamada Milateriga Somaliland oo Xusay Aasaaskoodii (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgallay munaasibadda 20 guuraddii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Militeriga Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey dabaaldega maalinta la aasaasay ciidanka Militariga Somaliland, ayaa lagu qabtay taliska guud ee ciidankaasi, waxaana ka soo qaybgallay wasiirka Gaashaandhiga, Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland, taliyaha ciidanka Qaranka, xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo badan.

Sidoo kale, waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa qiimaha ay leeyihiiin ciidanka iyo sida ay mar walba ugu  jiraan difaaca qaranka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in darajooyinkii ciidanka la siiyey ay sharaf iyo kala sarayn ku soo kordhisay ciidanka, isla markaana ay dawladu mar walba ku dadaalayso horumarinta iyo kor u qaadidda ciidamada kala dawan ee Somaliland, isagoo sheegay in sanadkii kowaad ee xilka la wareegeen ay ciidamada u kordhiyeen 100%, isla markaana waxa uu sheegay inay ku guulaysteen inay bixiyaan darajooyinmkii ciidanka.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne ku xigeenku baaq u diray maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in aanay ku soo xadgudbin xuduudda Somaliland, isla markaana aanay khilaaf iyo dhib u horseedin goboladda bariga Somaliland.

Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Gen:Ismaaciil Shaqale ayaa sheegay inay labaatankii sannadood ee ay  ka dambaysay aasaaska ciidankan ay xukumadihii kala dambeeyey wax badan u qabteen, isla markaana ay joogaan heer laga dhisay aqoontoodii iyo qalabkooddii.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga iyo xubno kale kuwaas oo dhamaantood hambalyo u diray ciidamadda militariga iyo carurtooda iyo xaasaskoodaba.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland