4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Dulimaadyadii Kenya iyo Britain oo sii Soconaya iyo Xubno ka Hadlay

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa si wada jir ah u beeniyay war maalinimadii shalay ahayd ay sii dayeen qaar kamid ah warbaahinta caalamka oo la xiriiray in gabi-ahaanba uu hakad ku yimid duulimaadyadii duyuuradaha ee isaga kala gooshi jiray London iyo Nairobi.

Cristian Turner oo u hadshay dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka war-hayeen hanjabaado dhowr ah oo kooxo argagaxiso ah ay sii daayeen, balse aysan waxba ka jirin wararka la xiriira in la kansalay dhamaan duulimayadii labada dhinac.

"Wararka la isla dhex marayo ee arintan ku aadan run maahan," ayay tiri Cristian, waxaana ay xustay in dowladda Kenya looga baahanyahay fiijignaan dheeri ah ,isla markaana ay labada dowladood wadaagaan macluumaadka la xiriira arimaha amniga.

Sidoo kale wasaaradda arimaha gudaha Kenya ayaa war ka soo baxay lagu beeniyay arintan ay warbaahinta isla dhexmarayso, waxaana lagu sheegay in digniinno dhowr ah ay ka heleen kooxo ay Al-shabaab kamid tahay.

"Dowladda waxey idiin cadaynaysaa  in aysan  jirin wax duulimaad ah oo shaqada joojiyay "ayuu yir Muteo Iringo oo ah xog-hayaha wasaaradda arimaha gudaha ,isagoo warbaahinta uga digay arimaha noocaan oo kale ah.

Waxaa kaloo uu masuulkan xusay in dhamaan laamaha amniga ee Kenya ay heegan sare kaga jiraan weerarro argagaxiso oo ay soo abaabulaan Al-shabaab,waxaana uu tilmaamay in goobaha muhiimka ah amnigood si gaar ah isha loogu hayo.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Air Ways Group ayaa wuxuu sheegay mas’uul u hadlay in si caadi ah ay u shaqaynayaan dhamaan duulimaadyadii aadi jiray Ingiriiska, waxaana arimahan ay ku soo beegmayaan ,iyadoo dhawaan looga digay dowladaha ku yaalla geeska Afrika weerarro Argagaxiso oo ay Al-shabaab gaysan doonaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]