4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Minnesota: Musharrax Soomaaliyeed oo u tartamaya jago (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Musharraxa Siyaad Cali oo u tartamaya jagada Minneapolis School Board ayaa xalay daah-furay ololihiisa doorasho, waxaana xafladda ballaraan oo lagu taageerayay ay ka dhacday hoolka shirarka iyo xafladaha ee Safari ee magaaladda Minneapolis.

Siyaad wuxuu sheegay in sababaha ku kalifay ka qeybgalka doorashadan oo dhici doonta bisha Novermber ee dabayqaada sanadkan   markii uu cilmi baaris ku helay hoos u dhaca waxbarashada ee dhallaanka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in 50% ay dhalinyarada Soomaaliyeed saaqidiin noqdaan, taasina ay sabab u tahay tix galin la’aan iyo maqnaansha codka qoomiyada Soomaalida.

“Waxaa ii qorsheysan in haddii aan ka mid noqdo golaha waxbarashada ee Minneapolis aan miiska soo saaro qorshe ah in ardayda ku liidata waxbarasha la siiyo fursad ah in macallimintu guryahooda ugu tagaan, si loo heli jiil waxbarashada ku wanaagsan oo aan ka lumin jidka toosan” ayuu yiri Siyaad Cali.

“Ardayda Soomaaliyeed waa ka  tayo hooseeyaan ardayda kale ee Iskuulka la dhigta, taasna waxaa sabab u ah caddaalad darrada ka jirto maamulka goobaha waxbarashada , waxaanse ballan qaadayaa inaan ku gor-gortamo horumarinta waxbarashada dhallaanka SOomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Siyaad.

Dadkii ka soo qyb galay xafladan waxaa ka mid ahaa Cabdi Wasame ah guddoomiyaha deegaanka 6-aad ee dowladda hoose ee magaaladda Minneapolis.

“Kursi ka muhiimsan midka uu Siyaad Cali u tartamayo ma jiro, waayo waa mid waxbarasho iyo bar-baarin iyo badbaadinta ubadkeena iyo mustaqbalkooda, sidaa daraadeed waxaan qof kasta oo Somalia ah oo ku nool magaladan ka codsanayaa inuu dhaqaalihiisa iyo codkiisaba ku taagero Siyaad Cali” ayuu yiri Cabdi Warsame.

Cabdi Maxaay oo isna ah xubin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota, kana shaqeeya arrimaha bini’aadanimada, gaar ahaan caafimaadka ayaa soo dhaweeyay musharaxa Siyaad Cali, wuxuuna shegay inuu yahay nin aragti dheer oo wax badan ku soo kordhin kara bulshada Soomaaliyeed.

Siyaad Cali wuxuu hada ka tirsanyahay xaafiiska haweeneyda la yiraahdo Amy Klobuchar oo ah US Senator laga soo doorto gobolka Minnesota, wuxuna ka baxay jaamacada University of Minneasota, isagoo bartay tacliinta sare.




Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota