Xubno ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu xiray Hargeysa


Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay garoonka magaalada Hargeysa ka qabteen shalay galab saddex ma’suul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saddexdan qof ay qabteen xilli ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Hargeysa.

“Saddexda xubnood waxaa gacanta ku dhigay booliiska iyagoo doonaya inay si qarsoodi ah ku galaan Hargeysa, maxkamad ayaana soo taagaynaa,” ayuu yiri Waran-cdde

Mas’uuliyiintan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa kala ah: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/Casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Sidoo kale, Waran-cadde wuxuu sheegay in xubnahan ay diyaaradda kasoo raaceen Muqdisho ayna doonayeen inay Hargeysa soo galaan, isagoo xusay inaysan ahayn dad halkaas taraansit ku marayay.

“Xubnaha waxay doonayeen inay Hargeysa galaan, wayna ogaayeen inuu sharci adag halkan ka yaallo xubnaha xilalka ka haya dowladda Soomaaliya waana la xisaabtamaynaa,” ayuu wasiirka oo sharraxayay eedeymaha loo haysto saddexdan qof.

Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Hargeysa oo aan la ogeyn, waxayna noqonayaa mas’uuliyiintii ugu horreeyay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo sannadkan cusub lagu xiro Somaliland.

Dhanka kale, ma jiro hadal intaas dhaafsiisan oo ku saabsan xariga loogu geystay Hargeysa mas’uuliyiintan, mana jiro hadal kasoo baxya dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya oo ay shaqaale u ahaayeen.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay wadahadallo ku yeesheen dalka Turkiga mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Somalia iyo Somaliland kaasoo ay kaga hadleen ay iskaashi ku yeelan lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Alle ha u naxariistee waxaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka Ra'iisal Wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaanahan xanuunsanayay. Alle ha u naxariistee C/risaaq ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii halganka u soo galay xornimada Soomaaliya, isagoo weliba intii uu noolaa ku dadaali jiray in ay dadka Soomaaliyeed ku dheganaadaan Soomaalinimada, qabyaaladdana ay ka tagaan.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) —Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in xubno ka socda Dowladda Soomaaliya aysan ka soo degi karin garoomada Somaliland, wuxuuse xusay in haddii Soomaaliya ay aqoonsato Somaliland ay taasi dhici karto.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa gellinkii dambe ee maanta ka dhacay qarax miino oo saddex qof ay ku dhinteen, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kalena uu sababay gubashada tobaneeyo bakhaar oo ku yaalla suuqa degmadaas.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay Muqdisho guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgallay munaasibadda 20 guuraddii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Militeriga Somaliland.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa si wada jir ah u beeniyay war maalinimadii shalay ahayd ay sii dayeen qaar kamid ah warbaahinta caalamka oo la xiriiray in gabi-ahaanba uu hakad ku yimid duulimaadyadii duyuuradaha ee isaga kala gooshi jiray London iyo Nairobi.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Musharraxa Siyaad Cali oo u tartamaya jagada Minneapolis School Board ayaa xalay daah-furay ololihiisa doorasho, waxaana xafladda ballaraan oo lagu taageerayay ay ka dhacday hoolka shirarka iyo xafladaha ee Safari ee magaaladda Minneapolis.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen iskahorimaad duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dhexmaray ciidamada maamulka degmada iyo shacab hubeysan.

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo waxaa shir jaraa’id ku qabtay mas’uuliyiin iyo nabaddoonno kasoo-jeeda gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo cambaareyn dusha kaga tuuray ciidamada dowaldda Soomaaliya.

Somali News

2/2/2014 10:10 AM EST
A Muslim family has criticised UK social services for deciding to place their three-year-old daughter for adoption with a white lesbian couple.

2/2/2014 9:35 AM EST
THE United Nation High Commission for Refugees has reiterated its earlier call for countries hosting refugees from Somalia not to repatriate them yet the country is not safe.

2/2/2014 3:14 AM EST
Ethiopia has denied reports that it’s National Intelligence and Security Service abducted two senior Ogaden National Liberation Front (ONLF) negotiators from the Kenyan capital Nairobi last month. Despite abduction allegations from the ONLF, Ethiopian officials claim that Mr. Sulub Abdi Ahmed and Ali Ahmed Hussein defected to Ethiopia.

2/2/2014 1:18 AM EST
Somalia’s federal government has announced the formation of an 11 member committee to organize a national funeral service for the country’s former Prime Minister Abdirsaq Haji Husein who passed away in the US city of Minnesota on Friday.

2/2/2014 12:45 AM EST
For refugees, the basic survival needs come first: food, clothing, shelter. Then there are the services that help them to start their assimilation into a new culture: English lessons, education, job training.

2/2/2014 12:31 AM EST
Kenya and the UK on Saturday dismissed social media rumours of impending terror attacks and the cancellation of flights from the European nation to Nairobi.

Somali beaches come to life -Standard Digital
2/2/2014 12:24 AM EST
Somalia is often referred to as a failed state that is home to some of the unhappiest people in Africa, as it turns out, there is more to life in Somalia than is depicted in the world headlines of continuous explosions

2/2/2014 12:19 AM EST
Many industrial factories in Jeddah continue to hire expat workers temporarily and in violation of the labor laws in a bid to increase their productivity at low cost. Factory owners exploit the difficult situation of the expat workers by paying them meager salaries and refusing to transfer their iqamas to their sponsorship

2/2/2014 12:07 AM EST
Mystery surrounds the whereabouts of a Somali diplomat said to be held in custody after police denied that he had been arrested.
Click here