4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2014
Mas’uuliyiin iyo Nabaddoonno eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo waxaa shir jaraa’id ku qabtay mas’uuliyiin iyo nabaddoonno kasoo-jeeda gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo cambaareyn dusha kaga tuuray ciidamada dowaldda Soomaaliya.

Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa waxay ciidamada dowladda ku eedeeyeen inay dhac, kufsi iyo barakicin ku hayaan shacabka ku nool gobolkaas, iyagoo inaysan dowladda Soomaaliya kasoo bixin kaalintii kaga aaddanayd sidii lagu badbaadin lahaa shacabka gobolkaas ku nool.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in si deg-deg ah wax looga qabto xaaladaha ka taagan gobolka,” ayay waxgaradkan ku sheegeen shirkooda jaraa’id.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa dhawaanahan ka jiray isbaarooyin ay ka cabanayaan shacabka gaadiidleyda ka shaqeeya degmadaas, taasoo keentay inay howl-joojin ku dhaqaaqaan, horayna waxaan gobolkaas uga jiry cabashooyin ay dadku ka cabanayaan ciidamada dowladda.

Dhanka kale, shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaallada soo noq-noqanaya ee Shabeellada Hoose ka dhaca, waxaa kaloo shalay gaaray Baydhabo ergooyin cusub oo ka yimid magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey.

Xarunta shirka ayaa waxaa maalmahan lagu arkayay siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay, Cabdullaahi Sheekh Ismaaiil oo ka mid ah xildhibaannada dowladda federaalka Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo