4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo Maanta la Kulmay William Ruto (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay maanta madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, iyagoo kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, isla mar ahaantaana ay dowladda Kenya uga gaysan lahayd gacan qorshaha xukuummadda Somalia ee soo celinta amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa isku af-gartay sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed ee labada dowladood, isla markaana gacan adag loogu qaban lahaa Al-shabaab oo khatar guud ku ah gobolka. Waxay kaloo kawada hadleen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo sidii ay labada dowladood ay u yeelan lahaayeen xiriir joogta ah iyo iskaashi dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool oo horay loogu heshiiyay in dib loogu celiyo Soomaaliya.

"Waxaan isku af-garannay inaan sii xoojinno xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaan isla garannay inaan si dhow u wada shaqayno aanan kor u qaadno amniga gobolka maadaama argagixisadu ay tahay khatar ku tahay gobolka iyo caalamka intiisa kale," ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha oo sii hadlaya ayaa yiri: "Kenya waxay horay ugu istaagtay inay Soomaaliya ka caawiso dib-u-heshiisiinta xilligii uu socday shirkii Mbagathi ee Kenya lagu qabtay 2002-2004, sidoo kale waxay aad u soo dhaweeyeen dadkeenna. Waxaa kaloo aan isla garannay in xilligan ay Kenya ka qayb-qaadato dib u dhiska hay’adaha dowladda Somalia."

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto oo isna shirka jaraa’id hadal ka jeediyay ayaa yiri: "Waxaan u hambalyeynayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa oo mustaqbal dhanka horumarka ah muujinayay. Labada dowladood ee waxay ka wada-hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo kan amni ee gobolka."

"Waxaan xaqiijinayaa in Kenya ay ka go’an tahay inay la shaqayso Somalia, dhawaanna waxaan howlgalin doonnaa safaaradda aan ku leenahay dalka Soomaaliya. Waxaan ka qayb-qaadan doonnaa xasilinta dalka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan."

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ay kala kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Dhanka kale. ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Kenya, Justin Muturi isagoo kadibna booqday safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya magaalada Nairobi.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya