4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Cabdi F. Laqanyo: ''Dhawaan ayaan Al-shabaab ka Saaraynaa Gobolka"

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo ayaa isaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain wareysi uu siiyay warbaahinta waxaa uu ku sheegay in la gaaray waqtigii sida uu hadalkiisa uu u dhigay laga xoreyn lahaa xarrakada Al-shabaab deegaannada ay xiligan ka maamulaan gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka in ay gacan ku siiyaan ciidamada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan iyo AMISOM howlgalka la fillayo in ay dhawaan ka bilaabaan degmooyinka ku jira gacanta xarrakada Al-shabaab.

''Waxaa uu qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan shanta degmo ee gobolka Hiiraan lagu soo celiyo gacanta maamulka dowladda, ciidamada hadda waa diyaar, dhawaana waxaa bilaabanaya howlgal ka dhan ah Al-shabaab,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Ciidamada midowgga Africa AMISOM oo ay qeyb ka yihiin kuwa Itoobiya ayaa isku diyaaranaya xiligan dagaal ka dhan ah xoogagga xarrakada Al-shabaab ee maamula qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Magaalada Beledweyne ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka jira dhaq-dhaqaaqyo militari oo ay wadaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada isku diyaarinaya howlgal ka dhan ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay qurba joogta ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay maal-gashi ku sameystaan gobolka oo sida uu hadalka u dhigay ku wanaagsan wax soo saarka.

''Gobolka waxaa uu u baahan yahay maal-gashi, waayo waa gobol kuwanaagsan wax-soo-saarka, tusaale ahaa khudaarta ka soo go'da gobolka Hiiraan waxaa laga isticmaalaa ilaa Hargeysa, xoolaha ugu badan ee loo dhoofiyo wadamada carabtana waxaa laga qaadaan gobolka Hiiraan, sidaa daraadeed waxaan leenahay qurba joogta fursad ayaa idin furan oo aad ku maal-gashan kartaa gobolka,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Maalmihii ugu danbeeyay gobollada bartamaha Soomaaliya waxaa ka jiray dhaq-dhaqaaq militari oo ay wadaan ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray howlgalka AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya