4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Khilaafkii Wakiilada Somaliland oo la Afjaray iyo Siilaanyo oo la kulmay


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Ergadii golaha guurtida ee ku dhex jirta xal u helidda khilaafka golaha wakiiladda ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku xalinayso khilaafkaasi, isla markaana labadda dhinac raali ka wada yihiin.

Fadhigii golaha Wakiilada ee maanta ayaa si weyn loo soo dhoobay Ciidan aad u faro badan, kuwaas oo qaar ka mid ah warbaahintii u diiday inay golaha soo galaan, isla markaana dib uga celiyey albaabka hore ee golaha wakiiladda.

Sidoo kale, waxa maanta golaha loo diiday inay galaan marti sharaftii dhagaysan jirtay doodda golaha iyo aqoonyano doonayey inay dhagaystaan go’aanka Guurtidda.

Fadhigan waxa shirgudoominayey gudoomiye C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa kale oo madasha soo fadhiistay ergaddii guurtidda ee dhex dhexaadinaysay khilaafka golaha, kuwaas oo go’aan ka soo saaray xal u helidda khilaafkoodda.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa soo jeediyey siday xal ugu arkaan khilaafka golaha ka jiray, waxaana ka mid ahaa qodobada soo jeediyeen:

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

• .In codka lagu ridayo Gudoomiyaha iyo ku xigeenka oo shirgudooon laysku yidhaahdo lagu rido cod isku mida oo ah 42-cod.

• .In aan wax mooshina aan laga keenin oo xilka lagaga xayuubinaayo shirgudoonka muda xileedka u hadhay golaha.

• .In golahu uu galo fasaxiisii caadiga ahaa

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi dardaar ka soo jeediyey odayga golaha guurtida ugu da’da weyne ee xaaji C/kariin Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), waxaanu golaha usoo jeediyey inay khilaafka yareeyaan, isla markaana ka waantoobaan is qabqabsi dambe.

Intaas ka dib gudoomiyaha golaha wakiilada Md;C/raxmaan Cirro oo afka golaha wakiilada ku hadlayey ayaa sheegay inay aqbaleen go’aankaasi golaha Guurtidu soo jeediyey, isla markaana ku dhaqmi doonaan, sidaasna ku galeen fasaxoogii caadiga ahaa oo laba bilood ah.

Khilaafka la isku hayey ayaa ahaa in gudoomiyaha laga dhigo codka lagu ridayo 42 cod, kuwaas oo ay doonayeen xildhibaanadda muxaafadka ahi in laga dhigo 42 cod si ay riditaankiisu u hawlyaraado, maadaama oo wakhtigii hore xeer hoosaadku sheegayey in lagu ridi karo 55 cod, Halka garabka gudoomiyaha golaha Wakiiladda diidanaayeen in codka lagu ridayo gudoomiyaha laga dhigo 42 cod iyo in labadda gudoomiye ku xigeen la sinaadaan gudoomiyaha, taasina waxay keentay in khilaafka golaha cirka isku shareero.

Dhinaca kale, ergadii golaha guurtida ee khilaaf saarka golaha Wakiiladda iyo shirgudoonka golaha wakiiladda ayaa markii khilaafkii la soo afjaray la kulmay madaxweynaha Somaliand Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha ayaa ergadii guurtidda ee ku dhex jirta khilaafka golaha wakiiladda uga mahadceliyey xal u helidda khilaafka iyo sida ay u aqbaleen golaha wakiiladda go’aankii guurtidu soo jeediyey.

Madaxweyne Silaanyo ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go’aankaasi la isla qaatay waxaanu xusay inuu soo dhoweynayo wax walba oo ay meel isla dhigeen Labada golle, isla markaana uuu diyaar u yahay marwalba wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay labaddii garab ee khilaafka weyni ka dhexeyey ee Wakiiladda iyo ergadii guurtidda ee dhex dhexaadinaysay.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa u arka inay labadda dhinacba guul ka gaadheen go’aanka guurtidu ku furdaaamiyey khilaafka, maadaama gudoomiyuhu Wakiiladu ka cabsi qabay in xilka laga qaado hadii hoos loo dhigo codka lagu ridi karo, haseyeeshee guurtida ayaa soo jeedisay in golaha la keeni Karin mooshin xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha ilaa inta ay gaadhayso doorashada Wakiilada, taasina waxay fursad u siinaysa gudoomiyaha golaha wakiiladu inuu gudoomiyenimadiisa sii haysto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland