4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
JEN. CALI GAAB: "Sharciyadii Waddooyinka dib ayaan u soo celnaynaa"


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Muqdisho, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in ciidamada taraafikada ay dadaal ugu jiraan inay soo celiyaan istimaalka sharciyada waddooyinka Muqdisho.

Waddooyinka Muqdisho qaarkood ayaa la suray nalalka samaafaraha ah ee kala haga gaadiidka, balse darawallada gaadiidka kexeeyay oo intooda badan aan arag samaafaraha ay mararka qaarkood socdaan iyadoo uu u daaran yahay nalka casaanka ah oo macnihiisu yahay 'Joogso'.

"Waxaan istimcaalnaa calaamado lagu joojinayo gaadiidka, balse dawaralladu waxay maqlaan oo keliya waa dhawaaqa qoryaha," ayuu yiri Jen. Cali Gaab oo u warramayay wakaaladda wararka Mareykanka ee AP.

Inta badan shacabka Muqdisho ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof ayaan arag nalalka samaafaraha ah ee kala haga gaadiidka, iyadoo uu sheegay taliyaha in waddooyinka Muqdisho qaarkood ay yihiin kuwo aad ciriiri u ah.

"Darawalladu ma aysan arkin mana yaqaannaan sharciyada waddooyinka, waxay barteen oo keliya sida gaadiidka loo kexeeyo," ayuu Jen. Cali Gaab ku daray hadalkiisa.

Jeneraalku wuxuu sheegay in tan iyo markii dib loo howlgeliyay ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada sannadkii 2011 inaysan helin sharci cusub oo ay ku howlgalaan, balse ay ku halgalaan sharcigii la dajiyay 1962-dii ee habka maridda waddooyinka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gaadiidka waaweyn ee xamuulka badan wada iyagoo gaboobay ay jidadka Muqdisho maraan ayna mararka qaarkood ku rogmadaan, sidoo kalena ay gaadiidka ciidamada AMISOM ay wataan aysan tixgelin oo aysan ku joogsan calaamadaha ay ciidamadu bixinayaan.

"Ma joogsanayaan haddii xitaa shil dhaco, weliba kuwo xun, mana jiraan xafriisyo shilalka ay geystaan lagala xisaabtamo, taasina waa dhibaatada ugu weyn ee aan la kulanno," ayuu mar kale yiri taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Muqdisho.

Jen. Cali Gaab wuxuu sheegay in ciidamada taraafikadu ay dhibaatooyin kala kulmaan qaraxyada ka dhaca Muqdisho, isagoo sheegay in Al-shabaab inta badan qaraxyo ku geysato gaadiid noocyo badan.

Xasan Axmed oo 48-jir ah kana mid ah dadka ku nool Muqdisho ayaa ku tilmaamay nalalka samaafaraha ah ee waddooyinka Muqdisho qaarkood la suray inay muujinayaan in xaaladdu ay caadi kusoo laabanayso.

"Run ahaantii waa tallaabo horay loo qaaday, waxayna muujinaysaa inay Muqdisho dib ugu soo laabanayso sidii ay ahaan jirtay, ayuu yiri Xasan Axmed.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada taraafikada Muqdisho uu ka warbixiyay shilalkii sannadkan billowga ah ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo aad u badnaa sababayna dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya