4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
UN-KA: Xaalad dhinaca Bani'aadamnimada ah ayaa ka taagan Somalia


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ka dayrisay xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in gargaar lala gaaro malaayiin dad ah oo ku nool Soomaaliya.

Isku-duwaha gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya ee UNOCHA, John Ging ayaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay magaalada New York ee dalka Mareykanka inuu hoos u dhacday dhaqaalaha lagu bixiyo arrimaha bani'aadamnimo ee Soomaaliya.

"Waqti xaadirkan waxaan aad kaga walwalsannahay rajada maalgelin," ayuu yiri Ging; isagoo intaas ku daray inay jiraan dhibaatooyin badan oo dhanka bini’aadanimada oo Soomaaliya xilligan ka taagan.

Kaddib markii toddobaad ka hor uu booqasho seddex maalin ah uu ku yimid John Ging dalka Soomaaliya ayuu sheegay inay xaaladda barakacayaasha tahay mid aan wanaagsanayn, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago arrintan.

Warka kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in inkastoo xaaladda ammaanka Soomaaliya horumarro laga gaaray, haddana ay jirto in dad lagu qiyaasay 857,000 ruux ay heysato xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran.

Dadkaasi badankood ayaa waxay ku sugan yihiin deegaannada baadiyaha ah, iyadoo ay jiraan dad kale oo ku dhex barakacay gudaha dalka, sida sarkaalka uu ku sheegay warbixintiisa.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo ay abaaro ku dhufteen xilligan, waxaana horay ay ugu baaqday Qaramada Midoobay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya