4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2014
Wasiirka cusub ee warfaafinta P/land oo xilka la wareegay(SAWIRRO)

Arbaco, Febaraayo 19, 2014 (HOL) — Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka ee Puntland, C/weli Xirsi Cabdulle (Indho-guran) iyo wasiirkii hore Axmed Sheekh Jaamac ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen inta badan shaqaalaha wasaaradda, qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo mas'uuliyiin ka socdey hay'adaha caalamiga ah, ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Axmed Shiikh Jaamac.

Wasiirku wuxuu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu soo martay iyo weliba horumarrada ay wasaaraddu samaysay muddadii uu isagu xilkaas hayey, wuxuu dhinaca kale u hambalyeeyey wasiirka cusub isagoo xusay inuu si wanaagsan oo hagar la'aan ah ula shaqeyn doono.

Wasiirka cusub ee dhowaan uu madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas usoo magacaabay wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka ee Puntland, ayaa isna munaasabadda ka hadlay.

Mudane Indho-guran ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan loosoo magacaabay isagoo ammaanay shaqaalaha wasaaradda iyo wasiirkii hore, sheegayna inay ka tageen waxqabad muuqda oo aan sinaba loo illaawi doonin.

Mar uu ka hadlayey arrimaha u qorsheysan inuu wax ka qabto, wuxuu sheegay inuu dadaal badan gelin doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo warbaahinta, sidii faafreeb loogu sameyn lahaa waxyaabaha ay warbaahintu tebineyso iyadoo aan xoriyatul qowlka lagu xadgudbeyn iyo weliba sidii tababarro joogto ah loo siin lahaa weriyeyaasha ka howlgala deegaannada Puntland.

C/weli Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa horay u ahaa wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo ciyaaraha ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya