4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Dowladda Soomaaliya oo ka Hor-tagaysa in Carruurta Askar laga dhigto

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka difaaca, Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo saxiixay nidaamka fulinta Howlgalka ku saabsan kala saarista caruurta iyo dadka dagaalamaya, kaddib xaflad 13-kii bishan lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Arrintan waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkii ay dowladda federaalka Somalia gashay ee ku saabsanaa ilaalinta iyo ka hortegidda in carruurta yar-yar laga dhigo askar iyo weliba in wax laga qabto arrimaha la xiriira sidii carruurta yar-yar looga saaro goobaha dagaalka.

Madaxda xafladda ka qayb-gashay waxaa ka mid ahaa taliyaha ciidamada xooga Dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi, ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James P. McAnulty, taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhigga ku leh Jabuuti (CJTF-HOA), Jen, Wayne Grigsby iyo madax kale.

Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya dadaallada ay arrintan ugu jirto, isagoo yiri: "Saxiixan wuxuu mar labaad xoojinayaa ballanqaadkii ay dowladda Soomaaliya qaaday ee ku saabsanaa ilaalinta iyo ka hortigidda in caruurta yar-yar la askareeyo, isku keenidda iyo dib u mideynta qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen iyo weliba sida ay uga go’an tahay dowladda inay arrimaha ka mamnuucdo in lagaga dhaqmo dalka oo dhan.

Saxiixan wuxuu kaloo hore u marinayaa ballanqaadkii kale ee ku saabsanaa - Qorshayaasha ka hortagga askareynta carruurta - waa laba dukumiinti oo la saxiixay bilihii 7-aad iyo 8-aad ee sannadkii 2012; kuwaasoo meelmarinyay istraatijiyad lagu soo dhaweynayo carruurta yar-yar dibna loogaga soo celinayo askareynta caruurta, iyadoo loo samayn doono waxbarasho lana siin doono meelo gaar ah oo la dajiyo , iyadoo lala kaashanyo ha’ada UNICEF.

Dowladad Maraykanku waxay ka caawin doontaa wasaaradaha difaaca iyo amniga Qaranka sidii ay u ciribtiri lahaayeen dhaqanka askareynta carruurta yar-yar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya