4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Dagaal xooggan oo saaka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool
Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Dagaal muddo labo saac ku dhow socdey ayaa saaka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool. Dagaalka oo ahaa mid culus, wuxu dhex maray labo beelood oo deegaankaas wada dega.

Xog rasmi ah ilaa iyo hadda lagama hayo khasaaraha uu dagaalkaasi geystey, haseyeeshee wararkii ugu dambeeyey ee degmada Taleex naga soo gaarey ayaa sheegaya in dagaalka ay labo qof ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa hadda joogsaday, waxaasee kacsan xaaladda guud ee degmada Taleex iyo weliba deegannada hoos taga. Dadweynaha ku nool degmada Taleex ayaa bilaabay inay ka barakacaan xaafadaha qaar.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Camey ayaa ka hadlay dagaalka saaka degmada Taleex ka dhacay, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay xaaladda dejiyaan.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya