4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Guddoomiyaha Huriwaa oo ka digay in Degmadu ay Gacanta ka baxdo

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Huriwaa ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo gacanta dowladda.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in degmada ay kasoo buuxsameen ciidammo ka tirsan Al-shabaab, kuwasaoo nabadagalyo-darro xooggan ka wada, isla markaana aan waxba laga qaban.

“Degmada Huriwaa waxay qarka u saaran tahay inay ka baxdo gacanta, waayo waxaa kusoo qulqulaya ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo xilli walba lasoo geliyo degmada,” ayuu yiri Jacfaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin wax laga qabtay qul-qulka Al-shabaab ay kusoo galayaan degmada, wuxuuna ka digay in haddii aan waxba laga qaban arrintan ay degmadu u gacan-geli doonto Al-shabaab.

Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqashiid oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla ayaa lagu tiriayaa degmooyinka ay ku xooggan tahay Al-shabaab ayna ka geysato falalka ammaan-darro.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray saldhigga booliiska degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn khasaare ka dhashay weerarkaas.

Arrimahan ayaa waxay kusoo begmayaa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu shalay kulan ammaanka looga hadlayay la yeeshay saraakiisha hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya