4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Maamulka KMG Jubba oo ku hanjabay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid walba oo ay ku tuhmaan inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab, kaddib dilkii loo geystay Ciise Kambooni oo ahaa taliyihii nabadsugidda maamulka Jubba.

Wasiirka arrimaha bulshada Jubba, Macallin Maxamed Ibraahim oo Kismaayo kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in cid walba oo ay gacanta ku dhigaan kana tirsan Al-shabaab ay go’aan kaga gaari doonaan halka ay ku qabteen.

“Qofkii ka tirsan Al-shabaab ee aan qabanno halka aan ku qabannay ayaan go’aan kaga gaari doonnaa,” ayuu yiri Macallin Maxamed oo intaas ku daray in kuwa ay tallaabada ka qaadayaan ay ka mid yihiin xaasaska Al-shabaab ee daggan Kismaayo.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ayna ula dhaqmi doonaan si ka duwan sidii hore oo uu ku sheegay inay ahayd inay soo dhaweyn jireen qofkii Al-shabaab kasoo goosta, balse hadda aysan soo dhaweyn doonin.

“Waxaan idinku wargelinaynaa inaan idin la xisaabtami doono si ka duwan sidii hore, sidoo kalena aan la xisaatami doonno xaasaskiinna Kismaayo ku nool, waxaana ballanqaadaynaa inaad in badan ooyi doontaan,” ayuu mar kale yiri Macallin Maxamed Ibraahim.

Mas’uulkan ayaa Al-shabaab ku tilmaamay koox si khaldan u fasiraysa diinta Islaamka isla markaana dhibaato ku haysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna xusay in maamulkiisu uu go’aan ka duwan kii hore qaatay.

Hadalka ma’suulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli habeen hore lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo sarkaalkii ugu sarreeyay dhinaca nabad-sugidda maamulkaas oo lagu magacaabo jiray Maxamed Maxamuud Nuur oo loo yaqaannay Ciise Kambooni.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa sheegay in xilka nabad-sugidda maamulka Jubba loo magacaabay Axmed Ibraahim Niiniile, kaddib markii la dilay taliyihii hay’addan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya