4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Sucuudiga oo illaa bishii Jannaayo soo tarxiishay 12,000 oo Somali ah


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Warbixin ay soo saartay ha’yadda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Wacht ayay ku sheegtay in tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan ay boqortooyada Sucuudiga soo tarxiishay in ka badan 12,000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan haween iyo carruur.

HRW ayaa sheegtay inay wareysiyo la yeelatay toddoba qof oo ka mid ah Soomaalidii laga soo tarxiilay dalka Sucuudiga, kuwaasoo hadda ku sugan Muqdisho, kuwaasoo sheegay in dhibaatooyin badan loo geystay intii ay ku jireen xabsiyada Sucuudiga, qaarkoodna la garaacay.

“Xukuumadda Sucuudiga waxay u soo tarxiishay Soomaaliya oo ay weli ka jiraan colaado kumannaan qof oo isugu jiray rag, dumar iyo caxruur, iyagoo diiday inay dadkaas siiyaan magan-galyo,” sidaa waxaa yiri Gerry Simpson oo ah baare sare oo ka tirsan hay’adda HRW.

Saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka Soomaaliya ayaa HRW u sheegay in dowladda Sucuudiga ay tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan dalkeeda ka soo tarxiishay 12,332 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la geeyay Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.

Hay’adda caalamiga ah ee magan-galyo doonka (IOM) ayaa iyaduna xustay in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay u sheegtay in la rajeynayo in 30,000 oo qof oo kale la geyn doono Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

Tarxiilkan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo ay dowladda Sucuudiga ugu jirto sidii ay dalkeeda uga saari lahayd ajaanibta ku nool, kuwaasoo halkaa ka xoogsada.

Dhanka kale, hay’adda HRW ayaa sheegtay in dowladda Sucuudiga ay tix-gelin siiso sharciyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo intaas ku dartay in Koonfurta Soomaaliya aysan xilligan ahayn meel amni uu ka jiro oo dad lagu soo celiyo.

“Dowladda Sucuudiga waa inay baaritaanno ku sameyso  dhibaatooyinka loo geystay dadka Sooamaliyeed intii lagu jiray howsha tarxiilkooda,” ayuu yiri Simpson, wuxuuna intaas ku daray. “Waa inay xukuumadda Sucuudigu siiso dadka ay soo tarxiilayso waxyaabaha u baahan yihiin ee laga maarmaanka u ah nolosha.”

Kumannaankan Soomaalida ah ee lasoo tarxiilay ayaa waxaa ku jira haween uur leh oo sheegay in dhibaatooyin kala duwan loogu geystay xabsiyada dalka Sucuudiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya