4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Al-shabaab oo Shaacisay inay beegsan doonto Mas’uuliyiinta Jubba

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay beegsan doonto mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo sidoo kale kuwa dowladda Sooamaliya.

Afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca howlgallada, Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilkii Ciise Kambooni uu ahaa fariin ay u dirayaan mas’uuliyiin kale ee maamulka Jubba iyo kuwo uu ku sheegay inay cadow kusoo hoggaamiyeen dalka.

“Dilkii lagu fuliyay Ciise Kambooni wuxuu farriin u yahay kuwa weli gacmaha kula jira dhibaateysan dadka muslimiinta ah ee ku nool deegaannada aanay ka talin Al-shabaab,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in kooxdooda ay gacanta ku hayaan mid ka mid ah ilaaladii mas’uulkii la dilay ayna maxkamad soo taagi doonaan, isagoo xusay inay beegsan doonaan cid walba oo dhibaatooyin ku haysa dadka muslimiinta ah.

“Magacyada kuwa dhibaatada ku haya shacabka muslimiinta ah ee ku nool deegaannada ay ka taliyaan meel ayay noogu qoran yihiin, waana beegsan doonnaa. Tan ay ku badbaadi karaanna waa inay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sheekh Abuu-Muscab oo sii hadlay ayaa sheegay in sidoo kale ay beegsan doonaan mas’uuliyiin uu sheegay inay dalka kusoo hoggaamiyeen AMISOM oo uu ku sheegay ciidammo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

“Kuwa kale ee aan beegsanayno waa kuwa dalka kusoo hoggaamiyay ciidamada shisheeyaha ah ee ka socda dalalka, Kenya, Uganda, Itoobiya, Sierra Leone iyo Uganda,” ayuu mar kale yiri afhayeenka Al-shabaab.

Hanjabaaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay isku dayday sannadkii hore inay qarax miino ku disho hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe taasoo uu ka badbaaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya