4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo socdaal ku tagay Nairobi (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay  xarunta Kenya ee Nairobi, waxaana garoonka Jomo Kenyatta kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dalka iyo safaaradda Soomaalida ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Mudane C/weli Sheekh iyo wafdigiisa ayaa isla galabta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta dalka iyo inta badan xildhibaannada gobolka Woqooyi-bari ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa danaha labada dal.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay socdaalka aan ku imid Kenya oo ah dal ay dano badan naga dhexeeyaan. Waxaan la kulmi doonaa madaxda Kenya ugu sarreysa oo aan kala hadlayo xoojinta iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa barri la kulmi doona Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Samoei Ruto iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed oo u sameeyay xaflad soo dhaweyn ah. Wuxuuna ku boorrin doonaa jaaliyadda inay kaalin ka qaataan nabadda iyo horumarka dalkooda Soomaaliya ka socda, isla markaana ay ilaaliyaan Kenya oo aad u soo dhaweysay Soomaalida.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya