4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Dagaallo kasoo cusboonaaday dalka Koonfurta Suudaan (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Dagaallo culus ayaa ka billowday dalka Koonfurta Suudaan toddobaayo kaddib markii ay dowladda iyo mucaaradku heshiis xabadjoojin ah ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu cuslaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiiska xabbad-joojinta ah, iyadoo kooxaha mucaaradka ah ay sheegeen inay qabsadeen magaalada Malakal oo ah xarunta gobolka shidaalka qaniga ah ku ah ee Niilka Sare.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay millateriga Koonfurta Suudaan, Philib Aguer ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo fallaagada ay ku dagaalmeen gudaha magaaladaas.

“Dagaalku wuxuu ahaa mid culus, meelo badan oo magaalada Malakal ka mid ahna wuu ka dhacay, wuxuuna u muuqday mid si weyn looga soo shaqeeyay,” sidaas waxaa wakaaladah Wararka u sheegay goobjooge ku sugan Malakal.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee magaalada Juba, Toby Lanzer ayaa dhinacyada uu u dhexeeyo dagaalka ugu baaqay inay ilaaliyaan shacabka ay ku kor dagaalamayaan.

Dagaalkan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo xaaladda goobaha saliidda laga soo saara ee dalkaas. Saliidda ama shidaalka ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dalka Koonfurta Suudaan oo laba sano ka hor xorriyadiisa ka qaatay dalka Suudaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar ayaa madax u ah fallaagada ka dagaallamaysa dalkaas, isagoo ka baxsaday magaalada Juba kaddib markii lagu eedeeyay inuu hoggaamiyay afgambi ka dhacay dalkaas.

Riek Machar ayaa iska fogeeyay arrintaas, wuxuuna ku eedeeyay Salva Kiir oo ah madaxweyanha dalkaas inuu doonaya inuu baabi'iyo mucaaradkiisa si dalkaas uu awood ciidan ugu qabsado.

Dagaallada weli ka soconaya Koonfurta Sudan oo billowday dabayaaqadii sannadkii hore ayaa salfaday nolosha kumannaan qof oo shacab iyo askar isugu jiray, iyadoo ay ku barakeen boqolaal kun oo kale.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya