4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Madaxweynaha Puntland oo booqday degmada Dangoray (SAWIRRO)
Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho ku tegey degmada Dangoray oo magaalada Garoowe qiyaastii 80km dhinaca waqooyi kaga beegan.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jireen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidan, waxay kahor intii aanay degmada Dangoray gaarin ay kusii hakadeen deegaanka Sin-u-jiif, halkaas oo madaxweynuhu uu ku dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo buundada Sin-u-jiif oo ay dumiyeen roobabkii dabeylaha watey ee sanadkii hore gobolka Nugaal ka da'ay.

Intaas kaddib waxay madaxweynaha iyo wafdigiisu usii gudbeen dhinaca degmada Dangoray, halkaas oo maamulka degmada iyo dadweynuhuba ay sii diirran ugu soo dhoweeyeen.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee degmada Dangoray ayaa ahayd sidii uu uga qayb qaadan lahaa wareejinta deeq raashin ah oo Turkiga ka timid, deeqdaas oo loogu tala galay dadkii ay roobabku cayreeyeen.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa u mahadceliyey dowladda Turkiga, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed abaalka Turkiga aysan marna illaawi doonin.

Booqashada madaxweynaha Puntland ee degmada Dangoray uu ku tegey ayaa ah tii labaad ee uu ugu baxo deegaannada ay roobabku saameeyeen tan iyo markii la doortay bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya