4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Maxkamadda Hargeysa oo Xukun Ganaax ah ku ridday Afar Wariye

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), ayaa maanta saddex wariye ku riday  xukun ganaax ah, halka wariye afraadna lagu waayey wax dambi ah, kuwaas oo muddo bil ah dacwadoodo ka socotay maxkamadda Hargeysa.

Afartaan wariye ayaa lagu eedeeyey mudaharaad sharci daro ah iyo amar diido, taas oo dacwadoodu ka socotay maxkamadda gobolka Hargeysa, isla markaana garsoorihii xukumay sheegay inay ku cadaatay dambiga lagu soo eedeeyey.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi jeex Garsoore Axmed Dalmar (Halac), ayaa sheegay in afarta wariye saddex ka mid ah lagu xukumay min lix boqol oo kun oo shilling Somalind ah oo u dhiganta saddex bilood oo xadhig ah, halka wariyaha afraad lagu waayey wax dambi ah.

Garsoore Dalal ayaa sheegay in lagu helay dambi ah mudahaarad aan sharciyeysayn inay sameeyeen iyo amar diido, isla markaana abaabulayeen inay dadka ka hor keenaan xukuumadda, ka dibna ay u cuskadeen qodobada amardiidadda oo dhigay saddex bilood oo xadhig ah ama qanaax lacageed oo qiimaheedu dhan yahay lix boqol oo Shiling somaliland ah oo u dhiganta shan iyo sideetan dollar ($85) qofkiiba in lagu xukumay.

Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka mid ahaa wariyeyaasha la xukumay ayaa u mahadnaqay wasiirka waxbarashadda iyo gudoomiyaha hay’ada xuquuqul iinsaanka oo hore uga sii damiinta saldhigii ay ku jireen, iyadoo muddo bil ahna dacwadoodu dibadda ka socotay.

“Maanta waxa noo soo dhamaatay dacwadii in muddo ah naloo haystay ee ahayd inaanu samaynay mudaharaad,mudo ayaanu soo noq noqonaynay oo dacwadayadu socotay, waxaana u mahadnaqaynaa garsooraha iyo dadkii kale ee wax nala qabtayba”ayuu yidhi Siciid Khadar oo ka tirsan telefishanka Bulsho Tv.

Wariyeyaashan maanta la xukumay ayaa dacwadoodu socotay muddo bil ah, kuwaas oo mar kasta maxkamada looga yeedhi jiray, waxaanay magaaladda ku joogeen damiin ahaan.

Wariyeyaashan ayaa bishii December 3-dii ilaa 10-keeddii ee sanadkii hore 2013-ka ku xidhnaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, waxaana markii dambe damiin ku siidaayey wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo gudoomiyaha xuquuqul insaanka dawladda Farxiya Jaahuur.

Hase yeeshee, xeer ilaalinta Gobolka Hargeysa iyo ururka SOLJA ee saxaafadda, ayaa labaduba sheegay inay racfaan ka qaadanayaan xukunkan, waxaanay xeer iaalintu sheegtay in aanay ku qanacsanayn xukunkan, halka xoghayaha ururka SOLJA sheegay inay iyaguna racfaan ka qaadanayaan xukunkan oo aanay raali ka ahayn.

Waa markii ugu horeysay ee wariyeyaal iyagoo dibad joog ah la xukumo, isla markaana lagu eedeeyo mudaharaad aan sharciyeysayn.

December 3 10

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa xafladii abaalmarinta ee wariyeyaashii tartanka ku guulaystay loo qabtay si qaawan ugu weeraray xoghayaha ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo munaasibada ku soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah waryeyaasha Somaliland, taas oo ka cadhaysiisay wasiirka.

Wasiirka ayaa xoghayaha ku eedeeyey inuu fidmo kula dhexjiro warbaahinta, isla markaana warbixino aan jirin iska qoro, haseyeeshee wariyeyaashii goobta joogay ayaa anshax xumo ku tilmaamay weerarkaasi iyo aflagaadadaasi wasiirku kula kacay xoghayaha SOLJA, inkasta oo aanu xogyuhu u jawaabin wasiirka, taas oo madashii ka abuurtay buuq.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland